Dowlada Soomaaliya oo ka dalabtay in la joojiyo howlgalada la dagaalanka Burcad Badeed

Dowlada Soomaaliya oo ka dalabtay in la joojiyo howlgalada la dagaalanka Burcad Badeed

daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Golaha Ammaanka in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyo Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

“Shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena, sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”ayuu yiri Danjire Abuukar Baale.


Xeebaha Soomaaliya ayaa noqday badaha caalamka ugu khatarta badan kadib markii burcad hubeysan ay afduub u geysteen maraakiib maraysay xeebaha badweynta hindiya kuwaasoo ka dalbanayay dadka leh maraakiibta lacago madax furasho ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada