Taliyahii Ciidamada Booliska Jabuuti oo maxkamad la soo taagayo

Taliyahii Ciidamada Booliska Jabuuti oo maxkamad la soo taagayo

daajis.com:- Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in taliyihii ciidamada Booliska dalka Jabuuti Korneel Cabdulaahi Cabdi Maxkamad la soo taagayo dhawaan.

Sida ay sheegtay BBC laanta afka soomaaliga Korneel Cabdulaahi oo hore xabsi guri ugu jirey ayaa haatan lagu xirey xabsiga Gabbood.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha iyo rag kaleba loo haysto sir laga faafiyay qoyska madaxweynaha Jabuuti.

Hase yeeshee illaa hadda lama shaacin cidda bixisay amarka lagu xirey taliyaha.
Balse ilaa iyo haatan waxaan kala caddeyn cidda bixisay amarka lagu xiray taliyahan.

Sidoo kale waxaa loo haystaa sirtan la faafiyay wasiirkii hore ee miisaaniyadda ee dalkaasi Jabuuti Boode Axmed Rooble.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan waxa lagu tilmaamay codad lagu baahiyay baraha bulshada oo ay ka dambeeyeen ‘kooxo’

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in arrintani ay ku lug leeyihiin saraakiil ay kamid yihiin taliyaha guud ee booliska Jabuuti iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda dalkaas.


Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga qeyb qaadatay faafinta codka sirta ah.

Hase yeeshee, Dowladda wax faahfaahin ah kama aysan bixin waxa uu ku saabsan yahay codka lagu baahiyay baraha bulshada ee loo xiray saraakiisha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada