Imaaraadka Carabta oo markale deeq gargaar ah soo gaarsiiyay Muqdisho

Imaaraadka Carabta oo markale deeq gargaar ah soo gaarsiiyay Muqdisho

daajis.com:- Dowladda isutagga Imaaraadka Carabta ayaa mar kale maanta diyaarad siday gargaar kala duwan waxaa ay  ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda gargaarka iyo Guddiga abaaraha oo ay hoggaamineysay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha  Shukri Maxamuud Afrax ayaa Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Alcuthman ka guddoomay deeqda gargaarka ah.

Safiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay gurmadka ay dowladda Imaaraadka Carabta ku caawineyso dadka Soomaaliyeed ee Abaartu saameeysay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha  Shukri Maxamuud Afrax ayaa uga mahad celisay Dowladda Imaaraadka Carabta & Ra’iisul Wasaaraha dadaalkooda ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dadka Soomaaliyeed ay saameeysay Abaarta.

Waxaa ay ugu baaqday dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa awooda inay walaalahood Abaadta saameeysay ay ka qeyb qaataan sidii loogu gurman lahaa.


Tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka raali geliyay Imaaraadka Carabta  lacagtii loogala wareegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde sanadkii 2018-kii waxaa ay soo daabuleyeen deeq kala duwan oo ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka abaaraha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada