Musharaxiin shahaadooyin qaatay doorashada Galmudug

Musharaxiin shahaadooyin qaatay doorashada Galmudug

daajis.com:- Lix musharax oo ku tartami doonto 3kursi oo doorashadoodu ka dhacaysa berri oo ah 25ka bisha Febraayo magaalada Dhuusamareeb ayaa qaatay shahaadooyinka musharaxnimo.

Kursiga HOP#012 ayaa waxaa qaatay shahaadada Musharaxnimo oo ku tartami doona Musharixiintaa oo kala ah Yuusuf Xeyle Jimcaale iyo Caasho Cali Xabeeb.

Sidoo kale Kursiga HOP#048 ayaa waxaa la siiyay shahaadada Musharaxnimo Faaizo Maxamed Jayte iyo Dheeman Cali Xasan.

Kursiga HOP#137 ayaa waxaa qaatay shahaadada Musharaxnimo, Musharixiinta kala ah Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) iyo Deeqo Maxamed Cabdalla.

Musharixiinta kursiga HOP#071 ayaa waxaa shahaadada Musharaxnimo qaatay Musharixiintaa kala ah Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Siciid Khaliif Xersi

Kuraastan ayaa waxaa ay u badan tahay inay yihiin kuwo la isu tanaasuli doono oo wax tartan ah ka dhici doonin.

Dhinaca kale waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb wafdi ka socda Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hoggaminayo afhayeenka Doorashooyinka Soomaaliya Ambassador Ahmed Safiina.


Wafdigaan ayaa goob joog u noqon doona gabagabada kuraastii taalay magaalada Dhuusamareeb, waxaana guddiga Doorashada Galmudug bilaabi doonaa doorashada lagu qabanayo Magaalada Gaalkacayo oo gaareysa 11 kursi.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada