Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in la hakiyo qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in la hakiyo qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga

daajis.com:- Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga SEIT ee Banaadiriga ah inay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga, isagoo sheegay in uu magacaabayo guddi ka kooban FEIT iyo Xafiiskiisa si loo xaliyo cabashada, ayna baaraan warbixina ku soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabasho la xiriirta kuraasta beelaha banaadiriga.

“Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu magacaabayo guddi si loo xaliyo khilaafka ka jira kuraasta beelaha banaadiriga uuna faray guddiga SEIT ee banaadiriga inay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta.


“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.”






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada