Wararkii ugu danbeeyay ee Qarax ka Dhacay Beledweyne

Wararkii ugu danbeeyay ee Qarax ka Dhacay Beledweyne

daajis.com:- Ugu yaraan 10 ayaa dhintay 20 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii maanta uu qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qof is-miidaamiyay uu isku qarxiyay goob inta badan xafladaha iyo shirarka lagu qabto.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo lagu macgaaabo Aadan Kaladire iyo guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ee degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Kaynaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga xogta la xiriirta qaraxa, waxaa waddooyinka gala goobta uu qaraxu ka dhacay isku-xiray ciidamo fara badan.


Magaalada Beledweyne waxay isku-diyaarinaysaa doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kuraasta la filayo in lagu tartamo ku jira kursi uu aad u daneynayo Fahad Yaasin, lataliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada