Wasiir Jamaal:- Hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso waa mid khilaafsan habraacyada lagu heshiiyay”

Wasiir Jamaal:- Hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso waa mid khilaafsan habraacyada lagu heshiiyay”

daajis.com:- Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraacyadii lagu heshiiyay Doorashada.

Wareysi uu BBC siiyay ayuu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso Teendho laga dhisay taasoo la doonayo in lagu qabto doorashada golaha Shacabka.

“Amaanka goobta doorashada waxaa ilaalinaya ciidan aan aheyn Ciidanka Soomaalida ee loogu tala galay Amniga doorashada sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM,”ayuu yiri wasiir Jamaal.

Waxa uu xusay in ciidanka sugaya amniga ay yihiin ciidanka PMPF oo uu sheegay in meelo kale laga taageero, taasoo uu sheegay in habraacii ka hor imaaneyso, meel dadka tagi karaan oo furan aanay aheyn oo cadaalad ah.

Magaalada Boosaaso ayaa dhawaan ay shaaciyeen guddiga doorashada Puntland in lagu qabanayo 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka,iyadoo ay tahay magaalada labaad ee la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada golaha shacabka ee maamulka Puntland.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada