Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Ruushka ee dalka Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Ruushka ee dalka Ukraine

daajis.com:- Ciidamada Ruushka ayaa weerar dhul iyo cir ah ku qaaday saaka waaberigii dalka Ukraine iyadoo wadamo badan oo caalamka ka mid ah ay cambaareeyeen weerarkan.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in weerarkan ay dad badan ku dhinteen halka burbur xoog leh la gaarsiiyay saldhigyo ay ciidamada Ukraine lahaayeen.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta diyaarka u ah inay dalka ka difaacaan ciidamada Ruushka inay soo baxaan, isagoo sheegay in Kyiv ay hub u soo saari doonto cid kasta oo doonaysa.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale ku booriyay dadka Ruushka ah inay u soo baxaan oo ay ka mudaaharaadaan go’aanka Moscow ee ku wajahan deriskooda.Finland ayaa diyaar u ah inay qaabilaan qaxootiga ka imaanaya Ukraine.

Militariga Ukraine ayaa sheegay in ilaa 50 ka tirsan ciidamada Ruushka la dilay, lix diyaaradoodna la burburiyay, xilli uu dagaalku ka socday bariga dalkaasi.

Dowlada Ukraine waxa ay si rasmi ah xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Ruushka kaddib duullaankii uu ku qaaday dalkeda, sida uu shir jaraa’id kaga dhawaaqay Madaxweyne Volodymyr Zelensky.

“Wasaaradda arrimaha gudaha ee [Finland] ayaa dhankeeda isku diyaarinaysa in ay qaabilaan qaxootiga ka imaanaya Ukraine,” Sanna Marin ayaa u sheegtay suxufiyiinta.

Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Ruushka, dhawaaqa qaraxyo ka dhacay cirifka caasimadda Ukraine iyo seeriga hawada ee duullaanka buuxa ee Ruushku ku qaaday dalkaas ayaa sababay in dadka magaalada ay argagaxaan oo ay badbaado u cararaan.

“Baarlamaanka Lithuania ayaa go’aan ka gaari doona in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah gelinka dambe ee Khamiista ka dib dhaq-dhaqaaqa Ruushka ee Ukraine,” ayuu yiri madaxweynaha Gitanas Nauseda.




Gobolka Baltic-ga oo hore u ahaan jiray Jamhuuriyad Soofiyeedka, haddana qayb ka ah NATO iyo Midowga Yurub, ayaa sidoo kale soo jeedin doona in cunaqabatayn dheeraad ah lagu soo rogo dalka Belarus oo lagu eedaynayo inay ku lug leedahay duullaanka.

Madaxwayne Alexander Lukashenko ayaa ku andacoodey in ciidamada Belarus aysan ka qayb qaadanayn duulaanka Ruushka ee Ukraine, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Belta.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada