Goobaha Ganacsiga magaalada Jowhar oo maalintii 2aad xiran

Goobaha Ganacsiga magaalada Jowhar oo maalintii 2aad xiran

daajis.com:- Goobaha ganacsiga kala duwan ee magaalada Jowhar ayaa xiran maanta maalintii labaad kadib markii ay amar ku soo rogeen ururka Alshabaab.

Ganacsatada magaalada Jowhar ayaa lagu amray inay xiraan goobahooda ganacsi ayna yimaadaan magaalada Aadan Yabaal oo xarunta maamulka Alshabaab ee gobolka Sh/dhexe.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ayaa gaaray magaalada Aadan Yabaal kuwaasoo maamulka Hirshabelle uu qufulo saaray xarumaha ganacsiga ay lahaayeen ganacsatada aaday magaalada Aadan Yabaal una hoggaansatay amarka Alshabaab.


Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle oo ku aadan xaalada ay ku sugan tahay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada