Wax ka Ogow xaaladda Afghanistan lix bilood kadib qabsashadii Taalibaan?

Wax ka Ogow xaaladda Afghanistan lix bilood kadib qabsashadii Taalibaan?

daajis.com:- Dalka Afghanistan ayaa muddo lix bilood ah waxaa ka dhacay isbedello waaweyn, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen hoggaanka Taalibaan, waxaana dadku ay dareemayaa nabadgelyo iyo rabshadaha oo ka yar kuwii tobannaan sano socday, hase yeeshee dhaqaalaha Afghanistan oo ku tiirsan gargaarka caalamka uu hadad burbur qarka u saaranyahay.

Talaadadii shalay ayay ku beegneyd lix bilood tan iyo markii caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ay si lama filaan ah ula wareegeen Talibaan, iyadoo si qarsoodi ah uu uga baxay madaxweynihii dalkaas ee uu Mareykanku taageeri jiray. La wareegitaanka Kabul waxaa ka horeeyay olole militari oo socday muddo bilo ah oo Taaliban ay ku doonaysay inay kula wareegto deegaannada gobolka, kuwaas oo intooda badan ay ka dhaceen dagaallo adag.

Tobannaan kun oo reer Afgaanistaan ah ayaa qaxay, ama laga saaray Afghanistan, kuwaas oo ay ku jiraan tiro badan oo aqoonyahanno ah. Waxay u baqayeen mustaqbalkooda dhaqaale ama xoriyad la'aan hoos timaada koox ay sheegeen inay si adag u fasiraan diinta Islaamka. Intii lagu jiray xukunkii hore ee dabayaaqadii 1990-meeyadii, Taliban waxay gabdhaha ka mamnuucday iskuullada, halka haweenka ay ka mamnuucday shaqada.

Maanta, dagaalyahannada Taliban oo hubeysan ayaa la arkayaa iyaga oo waddooyinka dhex mushaaxaya, taas oo weli cabsi gelineysa dadka deegaanka. Laakiin si ka duwan sagaashamaadkii, Taalibaan waxay u oggolaatay haweenka qaarkood inay shaqeeyaan, waxaana ay dib haweenka ugu soo celisay shaqooyinkii wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul oo inta badan ay ragga la shaqeeyaan.

Laakiin haweenku waxay weli sugayaan inay ku noqdaan shaqada wasaaradaha kale, inkasta oo kumanaan kun oo shaqooyin ah ay Afghanistan ku weysay hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha, ayna dhibaatada ugu badan soo gaartay dumarka.

In ka badan 9 bilyan oo dollar oo hantida Afgaanistaan ee taalay dibadda ayaa la xayiray kadib markii Taliban ay la wareegeen Afghanistan, waxaana toddobaadkii hore, Madaxweyne Joe Biden uu saxeexay amar fulineed oo u ballan qaaday $3.5 bilyan - oo ka mid ah $7 bilyan ee hantida Afghanistaan ee lagu xayiray Maraykanka - in la siin doono qoysaska dhibanayaashii weerarkii lagu soo qaaday Mareykanka ee 9/11, halka $3.5 bilyan ee kale Aghanistan lagu sii dayn doonaa gargaar.


Hase yeeshee Talaadadii, qiyaastii 3,000 oo ku sugnaa caasimadda Afgahnistan ayaa mudaaharaad ka dhigay amarka Biden, kuwaas sita boorar ay ku qornaayeen "Biden waa tuugga adduunka 2022."

Taalibaan ayaa u ololayneysa in caalamku aqoonsado dowladda ay dhistay oo dhammaanteed rag ah, balse waxaa lagu cadaadinayaa inay abuuraan maamul loo dhan yahay oo dammaanad qaadaya xuquuqda haweenka iyo diimaha laga tirada badan yahay.

AP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada