Al-Shabaab oo markale weerar culus ka fulisay dalka KENYA

Al-Shabaab oo markale weerar culus ka fulisay dalka KENYA

daajis.com:-
 Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo markale xoogaga Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer laleh Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya, xilli ay marayeen deegaanka Dharqaale hoostaga magaalada Mandera.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada Kenya, sidoo kalena uu ka soo gaaray khasaare xoogan.

Ciidamada ayaa sidoo kale qaraxa kadib sameeyey howl-gallo baaritaano ah, waxayna gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxayna shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa Kenaya, kuwa kalena ay ku dhaawacday.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda oo ay ku baahisay boggaga Internet-ka ku sheegtay inay qaraxan ku burburisay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi.

Waa weerarkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka fulinayaan gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada dowladda Kenya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada