Biden oo booqasho ku tagay saldhigga ciidamada Maraykanka ee xadka Poland iyo Ukraine

Biden oo booqasho ku tagay saldhigga ciidamada Maraykanka ee xadka Poland iyo Ukraine

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bogaadiyay jawaabta Poland ay ka bixisay dhibaatada qaxootiga ee ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukraine, xilli uu booqasho ku tagay Poland Jimcihii.

Mareykanka ayaa sheegay in Ruushku uu u muuqday inuu ka weeciyay weerarkii militari ee uu ka waday caasimadda Ukraine ee Kyiv oo uu u jiheystay dhanka bari.

Biden ayaa jimcihii la kulmay shaqaalaha gargaarka bini'aadantinimada ee Poland iyo ciidamada Maraykanka meel u dhow xadka Ukraine.

"Waxaad dhexda kaga jirtaan dagaalka u dhexeeya dimuqraadiyadda iyo kuwa kasoo horjeeda ee Ruushka," ayuu yiri Biden mar uu saldhigga Rzeszów kula kulmay xubno ka tirsan Ciidanka Maraykanka qeybta 82-aad ee hawada, kuwaas oo taageeraya kumannaan kale oo ka tirsan ciidamada NATO ee ku sugan waddamada bariga Yurub sida Poland, Lithuania, Latvia, Estonia, Bulgaria iyo Romania.

"Waxaad tihii xoogga dagaalka ee ugu wanaagsan adduunka, taasina maaha mid buun-buunin ah," ayuu yiri Biden kahor inta aanu la cunteyn ciidamada Mareykanka.

Saraakiisha Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa sheegay Jimcihii in inkasta oo ay tiro badan yihiin ciidamada Ruushku ay haddana ku adkaatay sii wadista dagaalka Ukraine, taas oo keentay isbeddel istiraatiiji ah.

"Waxaan u maleyneynaa inay isku dayayaan inay gooyaan aagga Donbas," ayuu suxufiyiinta u sheeagay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Maraykanka oo qariyay magaciisa.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada