Turkey oo dalkeeda u fasaxday maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

Turkey oo dalkeeda u fasaxday maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

Cavusoglu oo lagu doc wareystay Madasha Doha ee Qatar ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.

“Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa,” ayuu yiri.

“Haddii ay ka hor-imaneyso sharciga caalamiga ah, taasi waa sheeko kale.”
Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkey.

Mar waxa laga weydiiyey xaaladdooda, ayaa wasiirka wuxuu sheegay in Turkey ay fulisay cunaqabataynada ay asixisay QM.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma aysan ansixin QM balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.

Waxay soo rogeen tallaabooyin aan horey loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaana ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.

Dhowr dal ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Mareykanka oo ka digay in xulufada ay u iman doonta “hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen.”


Hase yeeshee Turkey oo xubin ka ah NATO, islamarkaana xiriir xooggan la leh Russia iyo Ukraine, kuma aysan biirin dalalka Reer Galbeedka ee beeganaya Moscow.

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada