Cabdullaahi Goodax Barre oo ku haray wareega 1aad doorashada ka socota Beledweyne

Cabdullaahi Goodax Barre oo ku haray wareega 1aad doorashada ka socota Beledweyne

daajis.com:- Magaalada beledweyne ee Gobolka hiiraan waxaa ka socota doorashada Kursiga hop#063 oo ay ku tartamayaan ilaa 9 Musharrax, waxaana soo soo dhamaaday wareega koowaad, iyada oo loo gudbay Wareega labaad.

Kursiga oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo wareega 1aad ku haray ayaa waxaa wareega labaad u gudbay musharrixiintii ugu codadka badnaa, kuwaas oo kala ah.

1: Daahir Xaaji Aadan oo la dhashay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ( Dhanka hooyada) oo helay 32 Cod iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid.

labadaan musharrax ayaa la filayaa in mid kamid ah uu ku guuleysto kursiga Golaha Shacabka ee hop#063, kaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafa uu ku fadhiyay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Hoos Ka Akhriso sida ay Codadka u kala helaan Musharixiintii ku tartantay Wareega Koowaad.

1 Cabdulahi Goodax bare 10

2 Nadar tabaax maalin 9

3 Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid 20

4 Daahir xaaji aadan 32

5 ibraahim xabeeb nuur 5

6 yuunis khaliif xasan 1

7 cabdi afrax guure 2

8 Xiirey Axmed roble 8

9 maxamed iidle sabriye 10







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada