Daawo:- Dharbaaxadii Xalay Xaday Indhaha Daawadayaasha Ee Aadka Loo Hadal-hayo Xafladii Oscar

Daawo:- Dharbaaxadii Xalay Xaday Indhaha Daawadayaasha Ee Aadka Loo Hadal-hayo Xafladii Oscar

daajis.com:- Jilaaga caanka ee ree Maraykan Will Smith ayaa xalay dharbaaxo masraxa dushiisa ah kula dhuftay Martigaliyihii xafladii Oscar-ka, ee majaajiliiste Chris Rock iyadoo si toos ah hawada looga daawanayay kadib markii Smith uu ka carooday hadal kaftan umuuqday oo uu Chris ka sheegay xaaskiisa.

Mr.Rock ayaa hadal kaftan ah ka sameeyay madaxa xiiran ee xaaska Will Smith, Jada Pinkett Smith, taas oo qabta xaalad Caafimaad oo horseeday inay timahu ka daataan, isagoo lamid dhigay sida Madaxii xiirnaa ee Demi Moore ay ku jishay Flimkii G.I. Jane, 1997kii.

Will Smith oo markii hore umuuqday inuu dhoola cadeeyay ayaa si kadis ah usoo fuulay masraxa waxa uuna dharbaaxo laga maqlay Shaashadaha ku dhuftay Chiris isagoo si degdeg ugu soo laabtay xaaskiisa dhinaceeda waxa si caro leh uu uyiri ” afkaaga xunka ka jooji magaca Xaaskayga”, lakiin markii dambe wiliam ayaa cududaartay isagoo ilmeynaya ayuuna sheegay in mararka qaar jacaylku kugu qasbayo waxyaabo sidan oo kale ah.

Xiddiga Hollywood Will Smith ayaa markii ugu horeeyay ku guuleystey Aktarka ugu Wanaagsan Oscarka isagoo lootixgaliyay doorkiisii Flimka “King Richard”, Kaas oo uu matalayay Aabaha iyo tababaraha tennisyahanada caanka ah ee Serena iyo Venus Williams.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada