DEG DEG:- Weerar culus oo lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

DEG DEG:- Weerar culus oo lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

daajis.com:- Warar naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in weerar culus uu ka socdo gudaha xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada Amisom ay ku leeyihiin dalka, kaasoo kaabiga ku haya garoonka Adan Cadde.

Sida wararku sheegayaan, dagaal yahano Shabaab ah oo si Ifantari ah u socda (lugeynaya) ayaa mar kaliya weerar ku galay xerada aadka loo ilaaliyo, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan.

Si dhab ah looma oga sida kooxdan ay halkaasi ku gaartay, maadaama ay ka soo tilaabeen dhowr bar kontrol oo ciidanka NISA ay ku hubiyaan gaadiidka galaya dhinaca Xalane, warar kale waxey sheegayan in kooxda hore ay aagaasi ugu diyaarsanaayeen oo ay Amisom ugu daateen xeryohooda.


Kooxda Shabaab war ay goordhow soo saartay waxey sheegtay in dagaal yahanadooda ay gudaha Xerada ugu weyn Amisom dagaalamayaan, lama oga xaalka xiligan iyo xadiga khasaaraha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada