Doorashadii ka socotay Baladweyne ee kursiga Hop063 oo lagu kala baxay

Doorashadii ka socotay Baladweyne ee kursiga Hop063 oo lagu kala baxay

daajis.com:- Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa soo gebagabeeyay doorashada kursiga tirsigiisu ayahay Hop063 oo ahaa kursigii ugu loolanka adkaa kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la soo doorto, iyadoo ay Ku tartamayeen 9 musharaxiin.

Doorashada oo soo martay 3 wareeg oo aad u adag ayaa ugu danbeyn waxaa ku guuleeystay Cabdirasaaq Cabdullaahi Macalin oo helay 56 cod halka musharaxii la tartamayey Daahir Xaaji Axmed uu helay 44 cod waxaana halaabay 1 cod.

Kursigan waxaa horey ugu fadhiyey Wasiirkii hore ee waxbarashada DF C/llaahi Goodax Barre oo tartanka ku jiray balse ku haray Wareegii 1aad ee doorashada isagoo helay 10 cod oo kaliya.


Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa ayaa haadan maraya heer gebo gebo ah iyadoo ay harsan yihiin inay soo dhameystiraan xildhibaannadooda maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada