Erdogan oo Putin ku boorrinaya in uu 'si degdeg ah ku afjaro' duullaanka Ukraine

Erdogan oo Putin ku boorrinaya in uu 'si degdeg ah ku afjaro' duullaanka Ukraine

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadda berri ah telfoon kula hadli doona madaxweynaha Russia Vladimir Putin si ay uga hadlaan duullaanka Russia ee Ukraine, sidaasina waxaa sheegay Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka Erdogan, wuxuuna intaa ku daray in Turkey uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto in dhibaatada la xalliyo.

Turkey oo xubin ka ah Isbahaysiga NATO ayaa dhinaca Badda Mdow xuduud kala leh labada dal ee Ukraine iyo Russia, iyada oo xiriir wanaagsan la leh labada, laakinse waxa uu ka soo horjeedaa cunnaqabateynada lagu soo rogay Moscow.

Ankara ayaa ku tilmaantay duullaanka mid aan la aqbali karin waxayna dalbatay in ay martigeliso wadahadallo nabadeed, iyadoo ku baaqday xabbad-joojin.

Isaga oo Sabtida maanta ah wariyeyaasha kula hadlaya magaalada Istanbul ayuu Kalin sheegay in Erdogan uu dalabkaasi markale la soo qaadi doono Putin, iyo in uu hordhigi doono in uu “fursad siiyo” xabbad-joojin bani’aadanimo iyo in marin loo abuuro si dadku ay uga baxaan, islamarkaana shixnadaha gargaaku ay ku maraan.

“Farriinta madaxweynaheenna waa in si dhakhsa ah uu dagaalka iyo duullaankuba u joogsadaan, wadahadalku uu bilowdo uu la isugu yimaado madal ku habboon, dublumaasiyaddana fursad la siiyo,” ayuu yiri Kalin.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Russia ay haysato dal ay ku kalsoon tahay oo ay la hadli karto maadaama dalalka Galbeedku ay jareen xiriirka ay la lahaayeen ayuu yiri Kalin oo intaasi raaciyay in Turkey uusan diyaar u aheyn in uu ka tanaasulo xiriirka labada dal ee Russia iyo Ukraine.

Turkey ayaa Russia la leh iskaashi dhow oo isugu jira dhinacyada difaaca, tamarta iyo ganacsiga, waxuuna si weyn ugu tiirsan yahay dalxiisayaasha Ruushka.


Laakiin, waxa uu sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ka iibiyay Kyiv, taasi oo ka caraysiisay Moscow, iyadoo uu Turkey sidoo kale ka soo horjeedo siyaasadaha Ruushka ee Syria, Libya, iyo inuu 2014-kii goostay gacanka Crimea.

REUTERS






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada