Gudoomiyaha Gedo oo ka horyimid guddigii uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Gudoomiyaha Gedo oo ka horyimid guddigii uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

daajis.com:- Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed  ayaa ka horyimid guddigii uu todobaadkan ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay qiimeynaa in magaalada Garbahaareey oo ah deegaan dooradhada labaad ee Jubaland.

Shir jaraa’id uu u qabtay wariyayaasha ayuu ku sheegay ineysan muuqan sabab guddi kale loo sameeyo maadaama buu yiri ay shaqeynayaan saddex guddi, kuwaasoo sida uu rumeysan yahay ku filan wixii tabasha ah xalinteeda.

“Doorashada saddex guddi ayey leedahay sida sharciga ah waa Duddiga Doorashada ee Heer Federaal, waa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Heer State sidexdaas waayey guddiyada doorashooyinka,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id guddoomiyaha Gedo.

Axmed Buulle Gareed Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo,ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyay gudoomiyaha guddiga loo saaray xaalada Garbahaareey Abuukaate Cumar Dhageey, isagoo ku sifeeyay shaqsi aan rabin in doorasho lagu qabto Gedo.


“Waxaad noo soo dirtay ra’iisul wasaare saddexdaas qof aan aheyn ninka la yiraahdo Abuukaate Cumar Dhagey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iyo howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garaneyno mana na naqaano,” ayuu raaciyey






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada