Aqalka Sare ee Nigeria oo diiday qoondada haweenka iyo xaqa codbixinta qurbajoogta

Aqalka Sare ee Nigeria oo diiday qoondada haweenka iyo xaqa codbixinta qurbajoogta

daajis.com:- Aqalka Sare ee Nigeria ayaa Talaadadii u codeeyay in la diido isbedel lagu sameeyay dastuurka, si qurbajoogta loogu oggolaado in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka guud, halka qodob dhigayay in haweenka loo qoondeeyo kuraas gaar ah si ay u kordhiyaan matalaadooda siyaasadeed uu isna fashilmay.

Codbixiyayaasha dalka ugu dadka badan Afrika ayaa u dareeri doona goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub bisha Febraayo ee 2023-ka.

Rajadii laga qabay in qurbojoogta Nigeria ay ka qayb qaataan codbixinta ayaa burburtay markii 29 senatar oo keliya oo ka mid ahaa 92 senator oo soo xaadiray kalfadhigii dooddaas ay taageereen is bedelkan.

Qurbajoogta Nigeria ayaa lagu qiyaasay 1.7 milyan, sida ay sheegtay Waaxda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay sanadkii 2020.

Qodob kale oo ku saabsan in haweenku kuraas gaar ah ka helaan labada aqal iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa waxaa diiday aqlabiyadda senatarada. Aisha Buhari, oo ah xaaska madaxweyne Muhammadu Buhari, ayaa taageertay sharciga.

Madaxweyne Buhari ayaa lagu wadaa in uu xilka ka dago sanadka soo socda, marka uu dhammeysto muddo xileedkiisa.

Doorashada Nigeria ayaa ah tilmaan muujinaysa sida raggu ay u maamulaan siyaasadda dalka ay ku nool yihiin 200 oo milyan oo qof, waxaana doorashadii u dambaysay ee 2019, 47% codbixiyayaashu ahaayeen haween laakiin waxay ku guuleysteen 6.5% oo keliya kuraasta labada aqal.


Aqalka Sare, ayaa si kastaba ha ahaatee, ansixiyay sharci awood u siinaya Golayaasha Qaranka oo ka kooban labada aqal iyo kuwa Maamul Goboleedyada inay u yeeraan Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Maamul Goboleedyada, si ay uga jawaabaan su’aalaha la xiriira amniga qaranka iyo arrimo kale.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada