Khilaafka Farmaajo iyo Cali Guudlaawe oo soo shaacbaxay

Khilaafka Farmaajo iyo Cali Guudlaawe oo soo shaacbaxay

daajis.com:-Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka furtay Kooxda Villa Soomaaliya iyada oo ay Hirshabeelle ay ka mid ahayd meelaha ay gacanta ugu jirto Farmaajo balse waxaa dhacday si ka duwan sidii la filayay.

Marka Laga reebo in Yar waxaa kuraastii taalay Baledweyne oo gaarayay 25 Kursi kusoo wada baxay Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo taas oo ka dhigan in Cali Guudlaawe uu balanta uga baxay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ee Guudlaawe iyo Farmaajo ay isku khilaafeen arrintaan sababtana waa Cali Guudlaawe oo doonaya in uusan dakano u galin nidaamka waqtiga ka dhammaaday.

Xubnaha Soo baxay waa kuwii ugu mucaaradnimada badnaa Dowladda hadda jirta waxaana ka mid ah shantaan xubnood.

1. HOP#032 Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga Xisbiga Sheekh Shariif Himilo.

2. HOP#031 Yuusuf Gamadiid. Xisbiga Shariif waa Himilo.

3. HOP#022 Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) waa Xisbiga Kheyre Waxaana uu ka mid ahaa Wasiiradiisa markii xukunka Laga tuuray.

4. HOP#003 Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene waa nin shaqadiisa yaqaana kana mid ah ragga Barlamaanka ugu codka dheer waxa uu daacad u yahay Xasan Sheekh.

5. HOP#006 Maxamuud Cabdullahi Axmed oo ku magac dheer Abuukaate waa mucaarad balse xisbi gaar ah kama tirsana.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada