Midowga Afrika & Beesha Caalamka oo ka shiray Howlgalka cusub ee AMISOM Somalia

Midowga Afrika & Beesha Caalamka oo ka shiray Howlgalka cusub ee AMISOM Somalia

daajis.com:-  Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye, oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya maalintii saddexaad, ayaa kulamo istiraatiji ah la yeeshay saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Iyada oo todobaadyo gudahood uu ku soo idlaanayo howlgalka AMISOM, Amb. Bankole Adeoye ayaa uga mahadceliyey saaxiibada taageerada ay siiyeen AMISOM 15-kii sano ee la soo dhaafay oo ay la wadaageen horumarka iyo meelaha mudnaanta leh ee lagu wajahayo howlgalka cusub ee ATMIS, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo joogto ah oo aan leexleexad lahayn la siiyo howlgalka soo socda ee Somalia, kaas oo la Magac baxay ATMIS, iyo sidoo kale  Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, si loo daboolo jaangoynta iyo waqtiga loo dejiyey.




Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada, isaga oo ugu dambeyn Maanta soo geba-gabeeyay booqashadiisii Soomaaliya.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada