SEIT Galmudug oo maanta diiwaan gelineysa musharixiinta 6 kursi oo Gaalkacyo lagu qabanayo.

SEIT Galmudug oo maanta diiwaan gelineysa musharixiinta 6 kursi oo Gaalkacyo lagu qabanayo.

daajis.com:- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Galmudug ayaa maanta Gaalkacyo ku qabanayo diiwaan gelinta musharixiinta u tartameysa 6 kursi, kuwaasoo doorashadooda lagu qabanayo xarunta gobolka Mudug.

Sida wararku tilmaamayaan kuraastan oo saddex kamida loo xiray Haween oo laga dhigay qoondo dumar ayaa kala ah HOP#001, HOP#013, HOP#017, HOP#020, HOP#060 & HOP#101, sidoo kale Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha leh kuraastaas ayaa dhankooda soo gudbinaya Ergada Dooraneysa.

Sida wararku tilmaamayaan doorashada lixdan kursi ayaa la qorsheeyay in Gaalkacyo lagu qabto maalinimada Sabtida ah oo ku beegan Shanta bishan Maarso, iyadoo Galmudug ay noqoneyso maamul goboleedkii saddexaad ee doorasho ku qabta deegaan doorashada labaad, waxaana ka horeeye maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

Qaar kamida musharixiinta u tartami leheyd kuraastan qaar ayaa cadaalad daro ka tirsanaya madaxweynaha Galmudug iyo guddiga doorashada Galmudug, iyagoo ku eedeynaya iney kuraasta qaar shaqsiyaad gaara ay u xireen, iyadoo taliyihii hore ee ciidanka milatariga Jeneraal Indha qarshe uu kamid yahay dadka tartanka loo diiday ee walaaca muujinaya.


Galmudug ayaa soo gaba gabeysa doorashada kuraasta taalay caasimadda maamulka ee Galmudug, iyadoo haatan loo jiheystay kuraasta taala deegaan doorashada labaad oo ah magaalada Gaalkacyo oo koofurteeda ay ka maamusho maamulka Galmudug.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada