Ruushka oo Gantaalo ku garaacay magaalada Kyiv

Ruushka oo Gantaalo ku garaacay magaalada Kyiv

daajis.com:- Xafiiska Madaxweynaha dalka Ukraine Zelenskyy ayaa ka warbixiyay weerar gantaal oo xooggan oo lagu qaaday goobta xusuusta Babyn Yar Holocaust, oo u dhow taawarka TV-ga ee magaalada Kyiv.

Ruushka ayaa sheegay in kaliya ay bartilmaameedsanayaan kaabayaasha militariga ee Ukraine, difaaca hawada, iyo ciidamada cirka oo wata hub aad u sareeya.Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in weerar ay ciidamada Ruushka ku qaadeen taawar telefishin oo dhowr mayl u jirta bartamaha magaalada Kyiv ay ku dhinteen shan qof, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil u hadashay kooxda gurmadka Ukraine ayaa sheegtay in qolka laga hago TV-ga iyo xarun korontadu ay ku dhacday, iyo ugu yaraan qaar ka mid ah kanaalada Ukraine ayaa si kooban u joojiyay baahinta.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka horreeyay digniin ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka laba saacadood ka hor. Wasaaraddu waxay uga digtay dadka deggan Kyiv ee ku nool meelaha u dhow xarumaha laga yaabo in loo isticmaalo ujeeddooyin sirdoon oo milatari ah inay ka guuraan.

 


Madaxweynaha Ukraine ayaa ka dalbaday Ruushku inuu joojiyo duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka Ukraine ka hor inta aan la billaabin wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan xabbad-joojin, maadaama wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada toddobaadkan laga soo saaray horumar yar.

 

Isaga oo qeexaya shuruudihiisa wadahadalo dheeri ah oo uu la yeesho Ruushka, Zelenskyy ayaa u sheegay Reuters iyo CNN wareysi wadajir ah. Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed, ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono xasiloonida suuqa tamarta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta.

 

Isagoo taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Sheikh Mohammed ayaa ka hadlay “baahida loo qabo in la ilaaliyo xasilloonida suuqa tamarta adduunka,” WAM ayaa werisay, iyadoo qiimaha saliidda uu kor u kacay sababtoo ah duulaanka Ruushka ee Ukraine.

 

Amiirka dhaxalka leh ayaa sidoo kale waxaa warbixin ka siiyay Putin horumarka xiisadda Ukraine. “Vladimir Putin wuxuu si faahfaahsan uga hadlay sababaha, hadafyada iyo bartilmaameedyada hawlgalka gaarka ah ee Ruushka,” ayuu Kremlin ku daray.

 

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Ukraine iyo Ruushka inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka iyo inay ka qayb qaataan nabadda adduunka, isagoo intaa ku daray in Ankara aysan ka soo horjeedin balaarinta NATO.

 

Turkiga oo xubin ka ah NATO, wuxuu xuduud badeed la wadaagaa Ukraine iyo Ruushka oo uu la leeyahay xiriir wanaagsan. Ankara ayaa sheegtay in ay xirayso marinkeeda badda madow intii uu Ruushku ku duulayay Ukraine, taas oo xaddidaysa marinka qaar ka mid ah maraakiibta Ruushka ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada