Kooxda Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin Wajeer.

Kooxda Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin Wajeer.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday Xero Ciidamada kenya ku leeyihiin Degaanka Konton oo u dhow Tuulada Qorof Xaraar oo hoostagta Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

Sida wararku sheegayaan, dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa fulisay weerarkan, iyadoo warbaahinta gudaha ee dalkaasi ay soo sheegayaan in askar Kenyan ay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen guluftan oo dhacday saqdii dhexe ee xalay.

Saraakiisha laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan tirada rasmiga ah ee wax uga noqotay dagaalka, waxeyna sheegeen iney wadaan howlgalo lagu daba jiro kooxihii weerarka soo qaaday oo ku sugan meel aan ka fogeyn magaalada Wajeer
ciidan


Balse Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa ay sidoo kale shaaciyeen in degaanka Konton ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka howlgalyay degankaas, iyadoo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxdan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada