Maxaa kasoo baxay wadahadalladii Ruushka iyo Ukraine?

Maxaa kasoo baxay wadahadalladii Ruushka iyo Ukraine?

daajis.com:- Ruushka iyo Ukraine ayaa Khamiistii ku heshiiyay fududeynta howlaha gargaarka bini'aadinimo, si loo caawiyo dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duullaanka Moscow ee galay maalintii siddeedaad, taasoo ah horumarkii ugu horreeyay ee laga gaaro wadahadallada labada dal.


Wadahadalladan oo ka dhacay meel qarsoodi ah ayaa Ruushu wuxuu sheegtay inay natiijo muhiim ah kala kulmeen, halka Ukraine ay dhinaceeda sheegtay in fahankeeda wadahadaalladan ay ahaayeen caawinta dadka caadiga ah ee reer Ukraine, laakiin aysan kasoo bixin natiijadii ay Kyiv rajeyneysay.

Ciidamada Ruushka ayaa sii wada hareereeyn ay ku weerarayaan magaalooyinka Ukraine, oo ay ku jirto Mariupol, oo ah dekedda ugu weyn ee bariga dalkaas, taas oo ay ku socoto duqeymo culus oo ka jiray biyaha iyo korontada, iyadoo saraakiisha magaaladaas ay sheegayaan in aysan qaadi karin dhaawacyada.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in dhici karto in si ku meel gaar ah dagaalka looga hakiyo goobo cayiman inta lagu jiro daadgureynta iyo gaarsiinta gargaarka bini'aadaminimo oo ay ugu horreeyaan raashinka iyo daawada.

Kumannaan kun ayaa loo malaynayaa inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado waddan Yurub ah tan iyo dagaalkii Labaad ee Adduunka, kaas oo abuuray 1 milyan oo qaxooti ah, dhaqaalaha Ruushka oo hoos u dhacay iyo cabsi laga qabo iskahorimaadyo ballaran oo Galbeedka ka dhaca, kaas aan laga fikirin muddo tobanaan sano ah.


Wadaxaajoodyada ayaa mar kale labada dhinac kulmi doona toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Belarusian ee Belta oo soo xiganeysay la taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak.

Reuters.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada