Howlgalka AMISOM oo dhammaanaya 31-ka Maarso

Howlgalka AMISOM oo dhammaanaya 31-ka Maarso

daajis.com:- Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay maanta inuu ku egyahay 31-ka Bishan Maarso.

Hawlgalka ayaa beddeli doona magaciisa, waxaana uu noqon doonaa ATMIS oo u taagan Hawlgalka Xilliga Kala-Guurka ah ee Soomaaliya oo sii shaqayn doona 33 bilood.

Hawlgalka cusub ee ATMIS ayaa la sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.


ATMIS ayaa waxaa dhowaan ansixiyey Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada