Puntland oo soo bandhigtay magacyada musharrixiinta 16 Kursi & Jamaal oo la eryay

Puntland oo soo bandhigtay magacyada musharrixiinta 16 Kursi & Jamaal oo la eryay

daajis.com:- Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray liiska musharrixiinta u tartamaysa16ka kursi ee taalla Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa doorashadooda la kala qabanayaa 5-ta ilaa 6-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee Beri ah iyo Maalinta xigta ee Axadda, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Kursiga Koowaad ee Hop#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Yare) balse waxaa ku tartami doona Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud & Sahra Maxamed Maxamuud.

2: Kursiga labaad ee Hop#157 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaase ku tartamaya Maxamed Axmed Aadan & Iidle Cali Axmed.

Kursiga Saddexaad ee Hop#228 Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kursigaan ku tartami doonaa Cabdulaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdullaahi Maxamed

Kursiga Afaraad ee Hop#234 waxaa ku fadhisa Deeqo Saciid Xasan oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doonaMaraa Cabdiyo Bashiir Xaaji Cali &  Aamino Cabduweli Maxamed.

Kursiga Shanaad ee Hop#076 waxaa ku fadhiya  Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana markale ku tartami doona Muuse Axmed Ismaaciil iyo Faadumo Ibraahim Ismaaciil.

Kursiga lixaad ee Hop#227 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Muno Cali Mire Cartan.






Kursiga todobaad ee Hop#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane) oo meesha laga saaray, waxaana ku taratamaya Saadaam Maxamuud Cabdi & Muno Maxamuud Dalmar.

Kursiga Sideedaad ee Hop#083 ayaa waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Bille Nuur, balse ay ku tartami doonaan Maxamed Bashiir Cali & Aamino Maxamed Ciise.

Kursiga Sagaalaad ee Hop#169 waxaa ku fadhiya Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartamaya Cali Mahdi Maxamed Cali & Xafsa Cali Axmed.

Kursiga tobanaad ee Hop#036  ayaa waxaa ku fadhiya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Maxamed Aadan Diini & Faa’iso Jaamac Muuse.

Kursiga 11aad ee Hop#149 oo uu ku fadhiyo Axmed Ismaaciil Maxamed ayaa waxaa ku tartami doona Feysal Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Cabdixakiin Maxamed.

Kursiga 12aad ee Hop#222 oo uu hadda ku fadhiyo Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa waxaa ku tartami doona Ceynaanshe Yuusuf Xuseen oo maalmo ka hor iska casilay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland & Rowdo Yaasiin Yuuusuf.

Kursiga 13aad ee Hop#027 waxaa ku fadhiya Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Saciid Cali Muuse iyo Cabduqaadir Jaamac Xasan.

Kursiga 14aad ee Hop#220 oo uuku fadhiyo Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi, balse ay ku tartami doonaan Cali Xaaji Daahir Saleymaan & Axmed Burhaan Cumar.

Kursiga 15aad ee Hop#190 waxaa ku fadhiya Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse, waxaase ku tartami doona Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax Maxamuud.

Kursiga ugu dambeeya ee 16aad uu tirsiguusu yahay Hop#142 waxaa ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo tartanka laga reebay, waxana ku tartami doona Ismaaciil Shire Jaamac Cali & Saciid Maxamuud Maxamed.

Kuraasta Maanta Puntland ay soo saartay magacyada musharrixiinta ku tartameysa qaarkood ayaa waxaa laga reebay Xildhibaano dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay, kuwaas oo taageerayay Villa Somalia.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada