Waa kuma dhakhtarka diiday in uu katago labadiisa shabeel ee ku go'doonsan Ukraine?

Waa kuma dhakhtarka diiday in uu katago labadiisa shabeel ee ku go'doonsan Ukraine?

daajis.com:- Muddo ka badan laba toddobaad ayaa dhakhtar Hindi ah oo wata labo shabeel wuxuu ku xayiran yahay qaybta hoose ee guri ku yaal dalka Ukraine ee ay dagaalladu halakeeyeen.

Ku dhawaad 20 bilood ka hor, ayaa Girikumar Patil wuxuu beerta xayawaamnnada ee Kyiv ka soo iibsaday labo shabeel, mid ka mid ah waa nooca Jaguar loo yaqaan ee Maraykanka laga helo ee midabkiisu uu hurdiga yahay, halka kan kalena uu ahaa shabeel madow.

Patil oo 40 jir ah waa dhakhtar ku takhasusay barashada lafaha, wuxuuna muddo ka badan 6 sano kaligiis ku noolaa Severodonetsk oo ka tirsan gobolka Donbas ee Bariga Ukraine ku yaalla.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Patil kama tago qolkiisa hoose ee cidhiidhiga ah ilaa uu ka dhammaado bandowga subaxda hore si uu cunto ugu soo iibiyo shabeelkiisa jaguar ee 20-ka bilood jira oo naadir ah iyo shabeel madow oo lix bilood jir ah - oo la nool.

Si uu u quudiyo labada shabeel, Patil wuxuu sheegay in ilaa iyo intii uu dagaalku bilaabmay, uu ilaa 23 kiilo garaam oo hilib idaad ah iyo digaag uu labadiisa shabeel uga soo iibiyey tuulooyinka deriska ah, isaga oo qiimihiisu ka badan yahay afar jibaar kii uu ahaa dagaalka ka hor.

"Habeenkii waxaan ku hoyanaa qaybta hoose ee guriga aniga iyo labadayda shabeel," ayuu yiri Patil. "Duqeymaha ayaa nagu soo dhacaya, labada shabeel aad bay u argagaxsan yihiin, waxay cunaan wax ka yar intii ay cuni jireen, kama tagi karo iyaga."

"Kani waa dagaalkii labaad ee aan soo maray, laakiin waa kii ugu cabsida badnaa," ayuu yiri Patil.

Tan iyo 2014-kii, Patil waxa uu ku noolaa gobolka Luhansk, halkaas oo ay ka socdeen dagaallada u dhexeeya ciidammada Ukraine ee dagaallamaya inkastoo heshiis xabbad joojin ah la gaaray. Dagaalkaas ayaa sababay in la burburiyo gurigii uu ku noolaa Patil iyo Maqaayad cuntada Hindida lagu iibiyo oo asagu uu furay.

Patil wuxuu u guuray Severodonetsk, oo 100 km u jirta halkii uu markii hore deggenaa, halkaas oo uu ka iibsaday meel cusub, isagoo bilaabay in uu ku shaqaysto xirfaddiisa dhakhtarnimada, wuxuu sidoo kale iibsaday labo shabeel.

"Hadda waxaan ku xayiranahay aag dagaal," Patil ayaa yiri, "Markan waxaa i dilay walaac. Waalidiintay ayaa iga codsanaya inaan aado dalkaygii hooyo, laakiin kama tagi karo shabeelka."

Patil wuxuu ka soo jeedaa Andhra Pradesh ee koonfurta Hindiya, Waxa uu 2007-dii u aaday Ukraine si uu u barto caafimaadka. Ilaa 2014, waxa uu ku hawlanaa dhakhtarnimada lafaha.

Patil wuxuu labada shabeel ka bixiyey lacag dhan $35,000 oo dollar wuxuuna ka soo iibsaday Beerta Xayawaanka ee Kyiv 20 bilood ka hor. Waxa uu xusay in beertaasi ay ogolaatay in si gaar ah loo iibiyo xayawaankan, waase haddii qofka iibsanaya uu haysto meel uu ku hoydo.

Patil wuxuu ku nool yahay guri laba dabaq ah oo leh beer yar oo xayawaanka lagu xannaaneeyo. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha ugu badan uu ku bixiyo xayawaankan uu dhaqdo. Patil wuxuu kale oo leeyahay saddex eey marka laga reebo labada shabeel.

Dhaqtarka u dhashay dalka Hindiya ayaa isku dayaya in uu dakhligiisa ka kordhiyo barta Youtube-ka, halkaas oo uu soo geliyo muuqaallada labada shabeel. Kanaalka YouTube-ka ee Patil ayaa waxaa ku xiran 85,000 oo qof.

"Waligay waxaan jeclaa shabeelka tan iyo yaraantaydii, anigoo daawan jiray xiddiga aan aadka u jeclahay Hindiya ee Chiranjeevi oo wata shabeelka," ayuu yiri Patil.

Patil waxa uu sheegay in tan iyo yaraantiisii uu jeclaa xayawaanka, oo uu guriga aabbihiis ku korin jiray eeyda, bisadaha iyo shimbiraha, wuxuuna abbihiis ahaan jiray maamule bangi halka hooyadiisna ay ahayd macallimad.

Patil ayaa ku nool meel qiyaastii 80 km u jirta xuduudka Ruushka, laakiin ciidamada Ruushka ee gobolka qabsaday ayaa ku adkaynaya inuu gaaro xudu

udaas.

Dhaqtarka u dhashay dalka Hindiya ayaa tilmaamay in korontada iyo internet-ku ay joogta uga go'aan Meesha uu ku nool yahay, balse iyadoo taasi jirto wuxuu ku guulaystey inuu fariimihiisa ku faafiyo muuqaallo uu si joogto ah ugu baahiyo baraha bulshada.

"Anigu waxaan ahay Hindida kaliya ee halkan jooga," Patil ayaa yidhi "Habeenkii keligay baan ahay xaafaddan, ka dib markii inta badan deriskaygu ay u guureen tuulooyinka ii dhow. Waan sugi doonaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada