daajis.com:- Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, oo hadda ka mid ah musharraxiinta doorashada madaxtinimada Kenya ee sanadkaan, ayaa sheegay in haddii la doorto uu xaqiijin doono, in dib u celinta qaxootiga ku jira xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab ay noqdaan kaliyah kuwo ku yimaada rabitaanka qaxootiga.
Ruto ayaa sheegay inuu sidoo kale raacayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR, kaas oo dhigayey in qaxootiga ay si iskood ah u noqdaan ee aan la qasbin.
Ruto ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu magaaladan Washington D.C kula yeeshay BMJ Muriithi oo ka tirsan Laanta Sawaaxiliga ee VOA-da.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:55 and have
, Published at