Puntland iyo DP world oo dekeda Bosaso ku wareejiyay shirkad cusub

Puntland iyo DP world oo dekeda Bosaso ku wareejiyay shirkad cusub

daajis.com:-Maamulka Puntland iyo shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP-world, ayaa ku heshiiyay in maamulka dekeda Bosaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shano ah gacanta ku haysay dekeda.

Waxaa dekeda maamulkeeda lagu wareejiyay shirkad aan weli magaceeda la sheegin sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

Shirkadda B&O ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay heshiiskii dekeda Bosaso oo ahaa in dhismaha ballaarinta dekeda la bilaabo, inkastoo arrintaas ay saamayn ku yeelatay dilkii madaxii shirkadda B&O, Paul Farmosa oo Bosaso lagu dilay february 2019.

Wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.

Ganacsatada Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, iyagoo sheegay inay maalgashi ku sameysanayaan dekeda Bosaso.




Laakiin arrintaas Puntland ma aysan aqbalin, waxayna sheegtay in ay weli tixglinayso heshiiska DP World.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada