Weerar ka dhacay Dhuusamareeb oo lagu dilay askar

Weerar ka dhacay Dhuusamareeb oo lagu dilay askar

daajis.com:- Rag hubeysan ayaa bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug waxaa ay kudileen laba kamid ah Ciidamada Gorogor ee kal hore dowladda Soomaaliya halkaasi geeysay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlusunna, isla markaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca degaanka Bohol.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala u sheegay in Gaariga Cabdi Billaha ah markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlusunna balse ay dib ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay Gaariga.

Afhayeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in Dilka askarta qaranka ee kadhacay Dhuusamareeb uu yahay mid argagixiso lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab.

” Ciidanka amniga Dhuusamareeb oo kajawaabaya falkan foosha xun ayaa kuhowlan soo qabashada kooxdan arxanka daran,cid walba oo qayb ka ah ama wax kafududaysayna sharciga ayaa lahorkeeni insha’allah. Qiil dambe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye,Bohol ayuu ku yiri” Qoraal uu shaaciyay afhayeenka.




laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli faah faahin ka bixin falka dilka Askarta Maalinta cad loogu geystay Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada