AKHRISO: Puntland oo sheegtay in roobab mahiigaan ah ay kusoo wajahan yihiin deegaanadeeda

AKHRISO: Puntland oo sheegtay in roobab mahiigaan ah ay kusoo wajahan yihiin deegaanadeeda

daajis.com:- Baahinta Xogta Filashada roobabka Gu’ga ee ka imaanaysa urur goboleedka IGAD Xarunteeda Saadaasha cimillada ee (ICPAC) laguna soo sooray Madasha (GHACOF60) waxa ay tibaaxaysaa in la filankaro roobab dhex-dhexaada iyo kuwo lixaad leh meelo ka mida degaanada Puntland.

Degmooyinka Laasqoray, Badhan, Dhahar, Taleex iyo Garoowe Waxaa la filayaa inay helaan xaddi roobab wanaagsan (Normal and/or above normal)
Sidoo kale Qaybo ka mid ah degmooyinka Bosaaso, Qardho, Ballidhidin, Ufeyn, Carmo iyo Boocame ayaa loo saadalinaya xaddi roobab wanaagsan.

Degaanadda kale ee Puntland ayaa la filayaa inay helaan roobab dhex-dhexaad ah, waxaase weli jiri kara saamaynta abaaraha degaanadaas maadama labaddii sanno ee u danbeeyay roobabku aad u yaraadeen.

Dhul daaqsimeedka Nugaasha, Soolka, dharoor iyo Buuralyda Golis ayaa la rajaynayaa in daaqsinkoodu wanaagsanaado xilli robaadka kadib.
Xilli robaadka ayaa la filayaa inuu bilowdo satimaanka Saddexaad ee bisha April (Ramadanka).

Iyada oo la tixgelinayo saadasha roobabka gu’ga, haddana waa in loo wada diyaar garoobaa Xaalad kasta oo imaan karta si talada iyo Go’aanada ku habboon loo qaato.

Xarunta maareynta, xogaha khayraadka Biyaha & dhulku Waxa ay si joogto ah usoo saari doonta xogta saadasha si asbuucle ah inta lagu gudo jiro xilli roobaadka.

Bulshada waxa aan ku wargelinayaa In saadaashaan ay tahay mid is bedeli karta xilli kasta ayna kala duwanaan karaan xaddiga roobka la qiyaasay iyo xaddiga dhabta ah ee roobabka da’i kara.

#ImcPuntland







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada