XOG: Waa kuma madaxweynaha dawlad gobolleed ee visaha mareykanka loo diiday?

XOG: Waa kuma madaxweynaha dawlad gobolleed ee visaha mareykanka loo diiday?

daajis.com:- Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya in loo diiday dal ku galka waddanka mareykanka mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dawlad Gobolleedyada Soomaaliya,iyadoo warar dheeraad ah soo baxayaan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo diblomaasiyadeed, mid ka mid ah madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada Soomaaliya ayaa loo diiday dal-kugal (visa) Mareykanka oo uu dalbaday si uu ugu safro dalkaasi bishii Janaayo ee sannadkan 2022-ka.

Xogta la helay ayaa waxay muujineysaa in madaxweynahaasi ku jiro liiska shakhsiyaadka lagu daray liiska cunuqabateynta Mareykanka inkastoo weli liiskaasi la shaacin magacyada.

Madaxweynahaasi ayaa qeyb ka ahaa qorshaha saxiixa heshiiska shidaalka ee muranka badan dhaliyay ee dhowaan soo shaac baxay ee lala galay Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Codsiga visaha waxaa la marsiiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana gadaal ka riixeysay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Siciid Deni & Axmed Madoobe midkood laga yaabaa in uu yahay madaxweynaha la hor istaagay,xogta shakhiyaadka laga soo xigtay ayaa diiday inay magacaabaan madaxweynahaasi.

Liiska kudhawaad 50 ilaa 60 qof oo soomaali ah ayaa kasoo muuqan doona xayiraada visaha mareykanka kuwaas oo doorashada golaha shacabka markay soo dhamaato lasoo bandhigayo magacyada dadka la cunuqabateynayo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada