Al-Shabaab oo toogatay Haweeney kamid aheyd Ciidanka ilaalada Madaxtooyada

Al-Shabaab oo toogatay Haweeney kamid aheyd Ciidanka ilaalada Madaxtooyada

daajis.com:- Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Buq-Aqabe galbeedka gobalka Hiiraan ku toogatay jimcihii Haweeney kamid aheyd ciidammada amniga Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Haweeneyda ay dishay Al-Shabaab ayaa lagu magacaabi jiray Naxteexo Jimcaalle Maxamed. Fagaaraha toogashadan ka dhacaysa ayaa waxaa la isugu keenay boqolaal kamid ah dad deegaanka Buq-Aqabe.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in AUN Naxteexo Jimcaalle ay ka howgalaysay muddo ka badan 3 sano xarunta Madaxtooyadda Hirshabeelle ee Jowhar, oo kamid aheyd saraakiisha ammaanka Madaxtooyadda.

Al-Shabaab ayaa horay fagaarayaal ku yaalla deegaanada ay gacanta ku heyso ku dishay dad ay sheegtay inay kamid yihiin ciidammada iyo shaqalaaha DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada