Ruushka Oo Xabbad Joojin Kaga Dhawaaqay Ukraine kaddib Dagaalka Galay Maalintii Sagaalaad.

Ruushka Oo Xabbad Joojin Kaga Dhawaaqay Ukraine kaddib Dagaalka Galay Maalintii Sagaalaad.

daajis.com:- Dowladda Ruushka ayaa laba todobaad kaddib ku dhawaaqday xabbad joojin KMG ah taas oo ay iskeed ugu dhawaaqday.

War lagu baahiyay warbaahinta RT ee ku hadasha Afka Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in sababta xabbad joojinta loogu dhawaaqday tahay in fursad la siiyo dadka rayidka ah si ay u helaan gargaar ay ula diyaar yihiin hay’adaha samafalka.

Waxaa kale oo ay Dowladda Ruushku intaas raacisay in haddii Ukraine ay jebiso xabbad joojinta ay tallaaba qaadeyso Dowladda Ruushka. Xabbad joojinta ayey u badantahay in Ruushku ku riixday wadahadalkii Miniski ee ay la gashay Ukraine kaas oo aan lagu shaacin xabbad joojin laakiin dhinacyado isla garteen in fursad la siiyo rayidka ka qaxaya Ukraine loona furo waddooyin ay maraan.

Waddamada ku jira ururka G7 ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu galay fambi dagaal kaddib markii uu weeraray xarunta ugu weyn Europe ee dhalisa tamarta . Xukuumadda Kyive wali kama falcelin baaqa Ruushka ee dadka Ukraine lagu gaarsiinayo gargaarka Bani’adamnimo umase badna in ay ka hor iman doonto.


Mareykanka iyo NATO ayaa ka diiday Ukraine codsi ay ku dalbatay in laga dhigo hawadeeda aag Diyaaradaha ka caaggan, waxaase ay beddelkeeda u sheegeen in ay siinayaan Hub ay isaga celiso Ruushka.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada