Daawo: Maxay ganacsatadu ka yiraahdeen dabkii weynaa ee xalay ka kacay Hargeysa?

Daawo: Maxay ganacsatadu ka yiraahdeen dabkii weynaa ee xalay ka kacay Hargeysa?

daajis.com:- Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xooganaa ee xalay fiidkii hore ka kacay suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka ayaa baabi’iyey xarumo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, wuxuuna qaatay ku dhowaad 10 saacadood oo xiriir ah.

Asmo Maxamed Xasan oo ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi ayaa sheegay inay gebi ahaan gubtay xaruteeda oo uu dabku ka bilodway, sida ay shaacisay.

“Meeshaan waxaa ku baaba’day hati fara badan mehraduhu waxa ay ahaayeen kuwa badan aniga mehradeydii gebi ahaan way gubatay,: ayey tiri Asmo Maxamed Xasan.

Sidoo kale Asmo ayaa sheegtay in ku weysay dabkaasi hanti lagu qiyaasay illaa 300 oo kun oo Dollerka Mareykanka ah.

“Mehradaa lacagta nagaga jirtay ilaaheyn hainaga cawilo lacag aan 300 oo kun aan ka yareyn weeyaan , marka ilaaheybaan wax weydiisaneynaa,” ayey sii raacisay.

Dhinaca kale hooyo ka mid ah dadka iska leh mehradaha gubtay oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay inay Hageysa gubatay, isla-markaana ay aayo beeshay.

“Hargeysa way gubatay, waana aayo beeshay, naftii ilaahey nafteyda uga saaray Alxamdulilaahi Rabiil Caalamiin. Anigu hantiile ayaan ahaa kii ku ganacsayeyna waxba ka qaadan,” ayey tiri Hooyo ka mid ah dadka uu sameeyey dabka ka kacay suuqa Hargeysa.






Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa wuxuu yaboohay lacag dhan 1 milyan oo loogu talagalay dadka uu saameeyey dabkaasi.

Xaaladda Hargeysa ayaa weli aad u cakiran, waxaana goobta uu ka kacay dabka gaaray madaxweynaha Somaliland, madaxda xisbiyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada