Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi oo khadka taleefonka ku wada-hadlay

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi oo khadka taleefonka ku wada-hadlay

daajis.com: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefonka kula xiriiray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay dabkii xalay ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Suuqa ayaa si xoogan ugu gubtay dabka oo baabi’iyey intiisa badan halkaasi oo hanti boqolaal milyan oo dollar ay ku luntay, inkasta oo weli aan la shaacin heerka uu la egyahay khasaraha rasmiga ah. 

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia 

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan. 

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”  

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa. 




Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada