Maxay tahay sababta ay ciidanka Ruushku uga baxayaan aagga caasimadda Kyiv?

Maxay tahay sababta ay ciidanka Ruushku uga baxayaan aagga caasimadda Kyiv?

daajis.com:- Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ciidamada Ruushku ay “dib u gurasho degdeg ah” ka sameynayaan aagga waqooyi ee ku hareereysan caasimadda Kyiv iyo magaalada Chernigiv xilli ay hay’adda Laanqeyrta Cas isku diyaarineyso dadaal cusub oo ay dadka kaga daadgureyneyso magaalada go’doonsan ee Mariupol ee koonfurta dalkaasi.

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku ay isku urursanayaan bariga iyo koonfurta dalkaasi, maalin kadib markii kumannaan qof oo ku noolaa magaalada Mariupol iyo agagaaraha goobaha uu Ruushku haysto ay ku baxsadeen kolonyo basas ah iyo baabuur gaar loo leeyahay.

“Ruushku waxa uu mudnaanta siinayaa xeelad kale: in uu awooddiisa isugu geeyo bariga iyo koonfurta” ayuu farriin uu baraha bulshada soo dhigay ku yiri la taliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak.

Waxa uu sheegay in inkastoo ciidamada Ruushku ay dib uga guranayaan caasimadda Kyiv iyo magaalada Chernigiv, in ujeedkoodu yahay in “ay maamulaan dhul ballaaran oo ay qabsadeen kana sameystaan saldhigyo xooggan.”

Podolyak ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay “halkaasi degi doonaan, kana sameysan doonaan difaaca hawada, si aad ahna u yareyn doonaan khasaaraha” ka soo gaara dagaalka.

“Haddii aynaan helin hub culus, ma awoodi doonno in aan (Ruushka) saarno,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Dhanka kale, magaalada Mariupol ayaa muddo toddobaadyo ah la tacaaleysa duqeymaha ciidamada Ruushka, iyadoo ilaa shan kun oo dadkii magaalada ku noolaa ah la dilay sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Qiyaastii 160,000 oo wali ku sugan magaalada ayaa cuntada iyo biyuhuba gabaabsi ku yihiin, iyagoo wajahaya koronto la'aan.




Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in kooxdeeda ay ku sii jeedeen Mariupol si ay isugu dayaan oo ay dadka u daadgureeyaan ka dib markii Jimcihii la baajiyay sababo la xiriira “ qabanqaabada iyo shuruudaha iyo oo mid aan suurtag aheyn ka dhigay in howsha la sii wado."

ICRC ayaa sheegtay in ay mar kale isku dayi doonto Sabtida maanta ah.
AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada