Midowga Yurub oo Shiinaha siiyay digniin la xiriirta dagaalka Ukraine

Midowga Yurub oo Shiinaha siiyay digniin la xiriirta dagaalka Ukraine

daajis.com:- Shirkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub iyo Shiinaha muddo laba sano ku dhow ayaa dhacay Jimcihii shalay, waxaana Midowga Yurub uga digay Shiinaha in uusan taageerin dagaalka Ruushka ee Ukraine ama uusan faragelin cunaqabateynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Moscow.

Shir madaxeedkan oo socday laba saacadood oo qura ayaa ahaa qaab fogaan-arag ah, wuxuuna shirkan ku guuldareystay inuu yareeyo kala duwanaanshaha ba'an ee u dhexeeya dhinacyada dagaallamaya.

Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo kulanka kadib warbaahinta la hadashay ayaa soo bandhigtay qiimayntan ku saabsan waxa ay saraakiisha Midowga Yurub ku tilmaameen in ay yihiin kuwo si hufan oo uga hadlaya dagaalka Ruushka ee Ukraine, iyadoo tiri "Kani khilaaf maaha ee waa dagaal, mana ahan arrin khuseysa kaliya Yurub ee waa arrin caalami ah."

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Shiinaha inay ku cadaadiyaan Ruushka inuu joojiyo dagaalka - ama ugu yaraan uu furo waddooyinka bini'aadantinimo ee Ukraine - iyaga oo sheegay in xubinta joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Beijing, ay leedahay mas'uuliyad gaar ah.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sidoo kale Shiinaha uga digay in haddii la wiiqo cunaqabateynta Ruushka ay dhalin karto cawaaqib dhaqaale.

Von der Leyen waxay xustay in xiriirka gacansi ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Shiinaha uu gaarayo ku dhawaad $2.2 bilyan oo badeecado iyo adeegyo ah maalin kasta - marka la barbar dhigo in ka badan $ 364 milyan oo u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha.


"Rugta ganacsigu waxay si dhow ula socotaa dhacdooyinka dhacaya, waxayna qiimaynaysaa halka dalalku isu jiheeyaan," ayay tiri von der Leyen oo intaas ku dartay "Tani waa su'aal ku saabsan aaminaad, kalsooni iyo, dabcan, go'aannada maalgashiga muddada dheer."

Shiinaha ayaa isku dayay inuu muujiyo inuu dhexdhexaad ka yahay dagaalka Ukraine, isagoo sidoo kale isku dayaya inuu xoojiyo xiriirka istiraatijiyadeed ee Moscow iyo inuu sii wado xiriirka dhaqaale ee Yurub, waxaana Telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV uu soo wariyay in madaxweyne Xi Jinping uu sheegay inuu rajeynayo in Midowga Yurub uu si 'madax-bannaan' u qaadan karo aragtida uu ka qabo Shiinaha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada