Dhinacyada ku dagaalamaya Yemen oo ku heshiiyey laba bilood oo xabbad-joojin ah

Dhinacyada ku dagaalamaya Yemen oo ku heshiiyey laba bilood oo xabbad-joojin ah

daajis.com:-   Kooxaha ku dagaalamaya dalka Yemen ayaa markii ugu horraysay muddo toddoba sano ah ku heshiiyey xabbad-joojin dalka oo dhan ah oo soconaysa muddo laba bilood ah, taas oo la filayo inay horseeddo in xoogaga Xuutiyiintu inay awood u yeeshaan inay la soo degaan shidaal iyo inay bilaabmi karaan duulimaadyadii tegi jiray caasimadda dalka Yemen ee Sanca, sida uu sheegay ergeyga Qaramada Midoobay.

Dhexdhexaadinta ay Qaramada Midoobay ka dhex waddo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo kooxda Xuutiyiinta ee garabsaarka la leh dalka Iran, ayaa ah tallaabadii ugu mudnayd ee loo qaaday, in xal waara laga gaadho colaadda dalka Yemen, oo ay ku nafwaayeen tobanaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku keentay macaluul daran, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.


Ergeyga Qaramada Midoobay Hans Grundberg ayaa sheegay in heshiiska xabbadjoojinta ee soconaya muddada labada bilood ahi, inuu dhaqan gelayo maalinta Sabtida, saacaddu marka ay tahay 7 fiidnimo wakhtiga dalka Yemen, waxaana suurtogal ah in la sii cusboonaysiiyo haddii dhinacyadu ay ku heshiiyaan.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada