Ruushka Vladimir Putin oo ay soo-baxday inay dagaalka Ukraine ku marin-habaabiyeen guulwadeyaal

Ruushka Vladimir Putin oo ay soo-baxday inay dagaalka Ukraine ku marin-habaabiyeen guulwadeyaal

daajis.com:- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waxaa marin-habaabiyey la-taliyeyaal guulwadeyaal ah oo aad uga cabsaday inay u sheegeen sida xun ee dagaalka Ukraine u socdo iyo waxyeelada ay gaysatay cunaqabataynta Reer Galbeedka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay saraakiil Mareykan iyo Yurub ah. 

Duulaanka ay Russia ku qaaday deriskeeda 24-kii Febraayo ayaa waxaa furimo badan ka hakiyey iska caabinta xooggan ee ciidamada Ukraine kuwaas oo dib u qabsaday dhul badan. 

“Waxaan haynaa akhbaaraad sheegaya in Putin uu dareemay inay marin-habaabiyeen militariga Ruushka, taasi oo dhalisay xiisad joogto ah oo ka dhex-taagan Putin iyo hoggaankiisa militari,” waxaa sidaas tiri Kate Bedingfield oo ah agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad. 

“Waxaan rumeysannahay in Putin ay la-taliyeyaashiisa uga been sheegeen sida militariga Ruushka ay ugu jabeen dagaalka Ukraine iyo sida dhaqaalaha Ruushka ay ula degeen cunaqabataynada, sababtoo ah la-taliyayaasha sare aad ayey uga cabsanayaan inay runta u sheegaan,” ayey tiri. 

Mareykanka wuxuu hadda banaanka soo dhigayaa akhbaartan si uu muujiyo “in tani ay aheyd khalad istaraatiji oo Ruushka uu sameeyey,” ayey tiri. 

Kremlin-ka ayaan jawaab deg deg ah ka bixin sheegashooyinka Mareykanka. 

Go’aanka ay Washington ku baahineyso xogahan sirdoon ayaa loo arkaa xeelad sii adkeyn karta hab fikirka Putin, sida uu sheegay sarkaal kale oo Mareykan ah, oo sheegay inay horseedi karto in Putin uu dib u eego cidda uu aamini karo. 

Diblomaasi sare oo Reer Yurub ah ayaa isna sheegay in qiimeynta Mareykanka ay waafaqsan tahay sida ay rumeysan yihiin Yurubta. 


“Putin wuxuu u maleeyey in xaaladdu ka wanaagsan tahay sida ay dhab ahaan tahay. Taasi waa dhibaatada marka aad isku hareereyso guul-wadeyaal,” ayuu yiri diblomaasiga.

Askarta Ruushka ayaa waxaa loo sheegay inay ka qeyb-galayaan dhoola-tus militari, balse waxaa lagu qasbay inay saxiixaan warqad dhigeysa in lasii dheereyn karo shaqadooda, waxaa sidaas yiri laba diblomaasi oo kale oo Reer Yurub ah. 

“Si xun ayaa loo marin-habaabiyey, si xun ayaa loo tababaray waxayna u yimaadeen haween da’ ah oo le’eg ayeeyooyonkooda oo ku qeylinaya inay guryahooda ku laabtaan,” ayey yiraahdeen diblomaasiyiinta. 

Weli ma jiraan caddeymo muujinaya in xaaladdan ay horseedi karto kacdoon ka dhex dhaca militariga Ruushka, balse Reer Galbeedka ayaa rajeynaya “in kuwa aan ku qanacsaneyn xaaladda ay hadli doonaan.”

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Russia ay hadda dib u qaabersay hadafyadeeda dagaalka Ukraine, si loo helo hanaan Putin uu ku sheegan karo guul magac bad-baadsasho ah, inkasta oo ololahoodu noqday mid guul-darrooyin bahdil ah ay asiibeen. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada