Ketanji Jackson: Haweeneydii ugu horraysay ee madaw ah oo ku biirta Maxkamadda Sare

Ketanji Jackson: Haweeneydii ugu horraysay ee madaw ah oo ku biirta Maxkamadda Sare

daajis.com:- WASHINGTON – Golaha Senate-ka ee Mareykanka ayaa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah u ansixiyey inay noqoto garsoore rasmiya oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Maraykanka. Codbixin ka dhacday golaha Senate-ka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan 100-ka xubnood ee golahaasi ka kooban yahay, ayaa 53 Senator oo ka mid ahi waxay ogolaadeen ama ansixiyeen in Ketanji Brown Jackson ay noqoto garsoore ka tirsan maxkamadda sare, halka 47 Senator oo kalena ay ka soo horjeesteen.

Xubnaha xisbiga Dimoqraadiga iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo kala ah Susan Collins, Lisa Murkowski iyo Mitt Romney ayaa hore u ballanqaaday inay u codaynayaan ansixinta garsoore Ketanji Jackson.

Haweenaydan la ansixiyey, Ketanji Brown Jackson, waxay ku biiraysaa saddex garsoore oo kale oo haween oo xubno ka ah maxkamadda sare ee dalka Maraykanka, waxayna noqonaysaa markii ugu horraysay ee taariikhda Maraykanka ay afar haween ahi ay hal mar garsoorayaal ka wada noqdaan.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u magacaabay Jackson inay bedesho garsoore Stephen Breyer oo shaqada ka fadhiisanaya. Garsoore Jackson waxay shaqadeeda bilaabi doontaa xagaagan, marka uu si rasmi ah shaqada uga fadhiisto garsoore Stephen Breyer.




Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa ka kooban sagaal garsoore, oo aan lahayn wakhti xadidan oo ay shaqadu ka dhamaato.

Qaar ka mida macluumaadka warbixintan wuxuu ka yimi The Associated Press.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada