Sharci-dejiyayaasha Pakistan oo doortay ra'iisul wasaare cusub

Sharci-dejiyayaasha Pakistan oo doortay ra'iisul wasaare cusub

daajis.com:- Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka -- isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa -- kahor codeynta.

Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasi oo dhabbaha u xaartay isbaheysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.

Sharif, oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), ayaa ahaa musharaxa kaliya kadib markii wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shah Mahmood Qureshi oo daacad u ah Khan uu ka laabtay musharaxnimadiisa iskana casilay kursigiisa.

“Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yiri Sharif oo la hadlay sharci-dejiyayaasha.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa 155 sharci-dejiye ku lahaa baarlamanka ka kooban 342-ka kursi kahor inta aanay badankood is-casilin, waxaana Shariif lagu doortay 174 cod.

Shaqada ugu horrreysa ee Sharif ayaa noqon doonta inuu soo dhiso gole wasiir oo ay xubno badan ka heli doona axisbiga siyaasadda midig-dhexe ee PPP iyo kan midigta ee Jamiat-ulema-e-Islam-F (JUI-F), oo xulufo la ah xisbigiisa.


PPP iyo PML-N ayaa sanado badan ahaa labada xisbi ee ugu awoodda badan Pakistan ayaga oo iska soo horjeeda, hase yeeshee isbaheysigooda cusub ayaa la filayaa inuu kala furmo kahor doorashada xigta oo ay qasab tahay in la qabto kahor October 2023.

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada