Ra’iisul wasaarihii Pakistan Imran Khan oo mooshin lagu riday.

Ra’iisul wasaarihii Pakistan Imran Khan oo mooshin lagu riday.

daajis.com:- Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisul wasaarihii dalkaasi Imran Khan, kadib 14 saacadood oo ay socotay dood ka dhalatay mooshin codka kalsoonida loogu weydiinayay xildhibaanada, taasoo keentay iney u diidaan.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah xubnaha isbaheysigiisa ayaa ku eedeeyay ninka la eryay Khan inuu ku fashilmay dhaqaalaha sii liicaya ee Pakistan iyo in uu ka dhabeeyn waayay ballan-qaadyadi uu sameeyay intii uu socday ololihii isaga lagu soo doortay.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Isniinta ay deg deg u soo magacaabayaan ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi oo dadkiisa ay dhan yihiin 220 milyan oo ruux.

Wararka waxey sheegayaan in shaqsiga badali karo Cimraan Khaan uu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra’isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.

Imran Khan oo ah 69 jir ayaa xakumayay Pakistan muddo ka badan 3 sano, waxaana lagu wadaa in aarlamaanku nuu Isniinta berrito ah soo doorto ra’isulwasaare cusub.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada