Wararkii ugu dambeeyay ee duullaanka Ruushka ee Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay ee duullaanka Ruushka ee Ukraine

daajis.com:- Ruushka ayaa sheegay in ciidankiisu ay qabsadeen dhammaan hareeraha magaalada go’doonsan ee Mariupo,l isla markaana ay ciidanka Ukraine hadda ku hareen qeyb yar oo ka mid ah gudaha magaalada.

Sheegashada Moscow ee ah in ay qarka u saaranyihiin qabashada magaalad xeebeedka koofureed ee Mariupol ayaanay jirin ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay, laakin haddii ay dhabowdo ayay noqon doontaa, magaaladi ugu muhiimsaneyd ee uu Ruushka ka qabsado Ukraine tan iyo inti uu billowday dagaalka 24-ki bishi Febrayo.

Madaxweynaha Ukraine, Volodomir Zelenzky ayaa ka digay in wadahadalka labada dhinac ay dhammaan doonaan, haddii Ruushka uu laayo ciidanka Ukraine ee ka dagaallamaya magaalada Muriupol.

Modcow ayaa u qabatay in ciidankaasi ay isku soo dhiibaan ilaa Axadda maanta ah si ay u nabad-geliyaan.

Dhanka kale, Ruushka ayaa Sabtidi si xoog leh u duqeeyay magaalada caasimadda ah ee Kiyiv, ma jirto ilaa iyo hadda faah-faahinta khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada