Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani oo Khamiista booqanaya Tehran

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani oo Khamiista booqanaya Tehran

daajis.com:- Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa inuu Kkamiista booqdo magaalada Tehran kadib booqashadii uu madaxweynaha Iran ku tegay Doha, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

“Amiirka Qatar waxa uu 12-ka May iman doonaa Iran si uu usii wado fulinta heshiisyada iyo ballaarinta xiriirka labada dal,” waxaa sidaas maanta qortay wakaaladda.

Waxay intaas ku dartay in booqashada diiradda lagu saari doono iskaashiga la xiriira koobka adduunka 2022 ee bisha November ka billaabanaya Doha, kadib markii Iran ay sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerayaasha qaar ku marti-geliso jasiiradda u dhow ee Kish.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa Isniitii sheegay in hoggaamiyaha Qatar uu Tehran booqan doono “isaga oo ka jawaabaya booqashada madaxweyne Ebrahim Raisi uu Doha ku tegay February.”

Labada hoggaamiye ayaa saxiixay heshiisyo dhowr ah intii ay socotay booqashada Raisi oo uu kaga qeyb-galay shir madaxeed ay lahaayeen dalalka soo saara gaaska.

Xiriirka Doha iyo Tehran ayaa korayey sanadihii dhowaa ayada oo labada dal ay wadaagaan halka laga soo saaro gaaska ugu badan caalamka.

Wasiirka gaadiidka Qatar Jassim bin Said al-Sulaiti ayaa bishii April booqday jasiiradda Kish, wuxuuna saxiixay lix heshiis oo iskaashi.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa joojisay lacagta Visa-ha ee ay ka qaado adka booqanaya Kish, ayada oo rajeyneysa inay taageerayaasha koobka adduunka kusoo jiidato Jasiiradda.


Iran ayaa usoo baxday koobka adduunka markii lixaad ee taariikhda kooxda qaranka.

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada