Barlamaanka cusub ee Lubnaan oo doonaya in la beddelo guddoomiyaha

Barlamaanka cusub ee Lubnaan oo doonaya in la beddelo guddoomiyaha

daajis.com:- Baarlamaanka cusub ee Lubnaam ayaa Axaddii maanta bilaabay hawlihii loo igmaday. Tallaabadii ugu horeysay uu qaaday ayaa ahayd inuu doorto guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ilaa sanadkii 1992 soo hayey Nabih Berri oo ah Muslim Shiica ah, kaas oo xulufo la ah ururka Xisbullah.

Dadka u kuurka gala siyaasadda Lubnaan ayaa sheegaya in dadka isbeddel-doonka ah iyo kuwa kale oo ku cusub baarlamaanka ay Nabih Berri u arkaan inuu qeyb ka yahay dhibaatooyinka dabada dheeraaday oo musuqmaasuqa iyo raadka ururka ay Iran taageerto ee Xisbullah ay ku leeyihiin siyaasadda Lubnaan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in is-rashaxaadda Nabih Barre ayna kasoo horjeedin oo kaliya dadka isbeddel doonka ah, kuwa madaxa banaan iyo 19-ka mudane ee masiixiyiinta ah ee Xibullah ku kacsay, ee xitaa uu ka soo horjeedo Xisbiga Free Patriotic Movement ee uu hogaamiyo madaxweynaha dalkaas Michel Aoun.


Habib Malik oo ka tirsan Jaamacadda American University, xarunteeda Lubnaan ayaa sheegay in baarlamaanka cusubi uu doonayo in Nabih Berri oo 30 sano xilka soo hayey lagu beddelo hogaamiye kale oo Shiica ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada