Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

daajis.com:- Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya waxaa ay ka fuliyeen degaannada Cabanaane iyo Gumeysidiid oo u dhow degaanka Janaale oo katirsan  Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobalka Shabeelaha Hoose Tima weyne ayaa sheegay in howlgalka lau dilay Madaxii Miinada u qaabilsanaa Ururka Al-Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, kuwaas oo dagaal kala horyimid Ciidamada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in howgalka lagu  soo furtay qori Ak-47 ah Bustoolado Camero iyo Rimuudka lagu hago Miinooyinka qarxa ee waddooyinka lagu Aaso.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobalka Shabeelaha Hoose Tima weyne waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada u dhow degaanka janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.




Howlgalkaan ay Ciidamada nabadsugida ka sameeyeen degaannada u dhow degaanka Janaale ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay dhowr qarax oo ay askar ku geeriyoodeen ay ka dhaceen degaanka Janaale.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada