daajis.com:- War kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa lagu sheegay in , iyaga oo la tashanaya guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo la filayo in 15 bisha May lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada circa ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 May ilaa tobanka bisha ah iyo illaa 17 ka Bisha.
Maalin ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida amamanka doorashada, iyadoo ATMIS lagu wareejiyay amniga guud ee teendhada Afisyooni, halkaas oo doorashadu ka dhacayso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:38 and have
, Published at